Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo bulshada Puntland u sameeyay ballan qaadyo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay xafladdii caleema-saarka ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray waxqabadka u qorshaysan in uu hirgeliyo mudada 5sano ah ee la doortay.

Madaxweynaha ayaaa sheegay in uu waxka qaban doono arrimaha ay kamid yihiin taabba-gelinta sharciga iyo qaanuunka si loo helo hay’ado dowliya oo isu’dheellitiran, dib u habaynta hay’adaha dowliga ah ee Puntland, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, xoojinta maqaamka Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo federalism-ka, ilaalinta midnimada Puntland iyo soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dib u habayn muq leh ku samayn doono dhinaca ciidamada Puntland iyo ,xuquuqsiintooda ,islamarkaana uu mudnaan gaar ah siin doono cirib-tirka canaasiirta argagixisada ah. Wuxuu intaasi raaciyay in uu dib u habayn ballaaran ku samayn doono nidaamka maaliyadeed ee Puntland, isagoo ballan qaaday in uu la dagaallamayo aafada musuq maasuqa ee ragaadiyay hay’adaha dowliga Puntland.

Qodobada kale ee uu ballan qaaday waxaa kamid ah; shaqa-abuurka dhalinyarada, horumarinta arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, adeegyada dadweynaha, xuquuqda haweenka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo bulshada Puntland u sameeyay ballan qaadyo muhiim ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this