Sign in to follow this  
Deeq A.

Al shabaab oo soo bandhigay gaari gashaaman oo ciidamada dowladda ka qabsadeen+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah gaadiidka gaashaaman oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada meletariga Soomaaliya, kadib dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidamada xooga.

Gaariga lasoo bandhigay Al shabaab ma aysan sheegin goorta ay ka furteen ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa meletariga.

Sidoo kale Al Shabaab ma sheegin sida ay ku qabsadeen gaarigan, waxaana gaarigan Gaashaaman kamid yihiin gaadiid dowlada federaalka gaar ahaan Milatariga deeq ahaan loo siiyay.

Al shabaab ayaa sidoo kale sheegay in saanad cusub ay kala wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana arinta ay kusoo aaday iyadoo maalmo ka hor Qatar gaadiid dagaal ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan gaariga ay soo bandhigeen Al shabaab.

gash-1.jpg gash-2.jpg gash-3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this