Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Axmed Madoobe Oo Ku Taliyey In Wadahadal Lagu Xalliyo Tabashooyinka Jira

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ku dheeraaday ka hadalka arrimaha ku aadan u shaqeynta dalka iyo dalka.

Waxa uu sheegay Madoobe in muhiim ay tahay ugu horreyn in la is cafiyo, islamarkaana sidoo kale laga shaqeeyo sidii dalka wax badan looga bedali lahaa xaaladda uu iminka marayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in la qaato warar uu sheegay in madaxda loo kala geeyo, balse muhiim ay tahay in la helo wadashaqeyn iyo is tixgelin.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay iney xaq dhowrto dowlad goboleedyada, halka maamullada iyaguna laga doonayo iney ilaaliyaan xuquuqda iyo waajibka dowladda dhexe leedahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Axmed-Madoobe.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this