Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo” Waan idin Cafiyayee i cafiya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

FB_IMG_1548562982345.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562980201.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562968502.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562966099.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562963414.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562958962.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562954257.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562951448.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562946445.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562943833.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562940938.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562938142.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562935351.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562931163.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562926528.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562920103.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562915819.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562912418.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562909757.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562907264.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562904239.jpg?resize=552%2C36 FB_IMG_1548562901514.jpg?resize=552%2C36

DHAMMAAD

Puntaland Post

The post Madaxweyne Farmaajo” Waan idin Cafiyayee i cafiya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this