Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Geedi oo siyaasiyiinta mucaaradka u sheegay in damac ay leeyihiin dartiis…

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay Soomaaliya iyo sida ay u wanaagsan tahay inay ka wada shaqeeyaan madaxda Soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa.

Cali Maxamed Geedi, ayaa ka sheekeeyay dhibaatada laga soo maray dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in Puntland ay door weyn ku laheyd horumarka dalka Soomaaliya.

Cali Geedi ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay damac ka leeyihiin inay dalka Soomaaliya mar uun hogaamiyaan, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in madaxda qaladkeeda si hoose loogu sheego.

“Dowladda Soomaaliya oo madaxweyne Farmaajo nagala joogo waxaan filayaa inay ku waano qaataan hadalkii Islaan Ciise oo dadka dhan u wada riyaaqeen, dowladda Soomaaliya dhibaato badan ayaa laga soo maray, waxaa loo baahan yahay inaan la shaqeyno, Damac ayaa nagu wada jiree kadib aan la tartano” ayuu yiri Cali Geedi.

“Qof kastaa waxaan rajeynayaa in qaladkii uu galaa uu doonayo in  laga saxaa iyadoo hoos loogu sheegayo, waxaan filayaa in laga wada shaqeyn doono horumarka dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka cadowga” ayuu yiri Cali Geeddi.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay madaxda maamulka Puntland inay ka shaqeeyaan horumar uu gaaro guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this