Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh Maxamuud: Halkan waxan ku joognaa wixii qornaa kaliya ayaa…

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa inta badan khudbadiisa kaga hadlay xalka dalka Soomaaliya inuu kujiro iyadoo si rasmi ah loogu dhaqmo dastuurka dalka Soomaaliya u yaalo, waxii aan ku qorneyna laga wada hadlo haddii la isku qabto.

“Waxaan xoojinayaa inaan mar walbaa ilaalino Sharuucda iyo Dastuurka dalka, waxaan dastuurka ku oolinna waxaan leeyahay ha la iska wareesto, xal waa imaanayaa markaa, halkaan waxaan ku joognaa waxii qornaa kaliya ayaa la dhowray” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu Xasan Sheikh Maxamuud mahadcelin u jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Weli Maxamed Cali , isaga oo sheegay in isaga iyo asxaabtiisii si wanaagsan kaga shaqeeyeen horumarka Puntland.

“Waxaan u hambalyeynayaa Prof Gaas oo halkaan waxii ka dhacay keenisteedii lahaa, waxaana leeyahay adiga iyo asxaabtii kula shaqeeyay ayaa dadaalkaa sameeyay, Garowe waxay halkaan kusoo gaartay dowladnimo oo lagu wada dadaalay”.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fakaraa mustaqbalka Soomaaliya sida uu noqonayo.

“Maanta aan ka fakarno 30 ka sano ee soo socota sida dalkeenu ahaanayo, waan ka fakari karnaa, waa inaan gaarnaa hadafkeena, haddii aan qorsheyno 30 sano kadib Soomaaliya noocee ah ayaan rabnaa, inta naga dameysa wey ku qasban yihiin inay wadadaasi maraan”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this