Deeq A. Posted January 27, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo idleeyay hadal jeedinta xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa la dhowrayay khudbadiisa, waxaana madasha ku sugnaa madax kala duwan oo qaarkood dhaliilsan hanaanka dowladiisa kula macaamiishay madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Farmaajo ayaa ugu horeyn ka hadlay horumarka Puntland iyo dadka ay mudan tahay in looga Mahadceliyo, waxaana uu yiri:- “Waxaa door ka ciyaaray horumarka Puntland, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo warbaahinta oo si wadajir ah u wada shaqeeyay, shacabka wanaagsan ee Reer Puntland ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaaray”. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in horumarka Soomaliya lagu gaari karo arimo ay kamid tahay in si Wadajir ah loo wada shaqeeyo, islamarkaana madaxda ay isku tanaasulaan. “Waxaa lagu gaari karaa horumar dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wada shaqeeya, wada shaqeynta waxaa lagu gaari kara, iyadoo la is aamino, la wada shaqeeyo, la isku tanaasulo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Khilaafaadka dowladeena waxay keenaan inaan waxba la qaban oo shaqada istaagto, waana waxyaabaha keenay in dowladda aysan laheyn ciidan adag oo cadowga la dagaalama, ciidan adag oo xuduudaha difaaca, waxaa oo dhanna waa waxaan soo marnay oo ay tahay wax aan qibrad u leenahay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu soo hadal qaaday Musuqa oo Soomaaliya u keenay dib u dhac aad u weyn, isaga oo sheegay in Musuq maasuqa aysan kaliya aheyn lacagta oo la xado. “Musuq maasuqa lacag la xado kaliya maaha, waxaa kamid ah qofka oo qalad lagu magacaabo, waxaa ku jira qofka shaqeeya oo qiyaama waqtiga uu dowladda u shaqeeyo, waana waxyaabaha anaga na wiiqay intii dowladnimada jirtay”, Ugu dambeyn wuxuu taabtay hadal la wada sugayay oo ahaa wada shaqeyn buuxda oo dhex marta xubnaha mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in isaga uu bilaabayo barnaamijka iscafinta dhinacyada is haya. “Anigaa ugu horeeya waxaan idin leeyahay waan idin cafiyay, adinkana waxaan idinka doonayaa inaad i cafisaan, bacdamaa aan ahay odaygii u dhaxeeyay dowladda iyo maamulada anigaa howsha galaya, mucaarad waan u baahanahay, laakiin waxaan dooneynaa marka xaaladda meel adag taagan tahay in mucaaradka uusan dowladiisa ka safan”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites