Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqri: Nuxurka khudbadaha ay madax goboleedyada ka jeediyeen xafladda Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa dhamaaday hadal jeedinta madaxda maamul goboleedyada dalka oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa ugu horeeyay hadal jeedinta madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, waxaana uu kaga hadlay horumarka Puntland ay gaartay iyo fariin uu u dirayay madaxweynaha cusub ee Puntland.

Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa yiri:-

“Puntland waxay soo martay marxalado kala duwan, markii ugu horeysay oo aan imaanayay waxay aheyd waqti hore, waxaan si gaar ah ula dardaarmayaa madaxweynaha Puntland halkaan waxaa jooga shacab badan oo reer Koofur Galbeed ah, waxay heleen xuquuqdii ay lahaayeen oo dhan, kaliya waxaa u haray xuquuqdoodii siyaasadda, adiga ayaana kaa sugeynaa madaxweyne”ayuu yiri Lafta Gareen.

Waxaa kadib hadalka la siiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isaga oo ka hadlay waxyaabaha uu ku arkay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

“Waxaan rabaa kaliya inaan ka hadlo Puntland, waxaa iigu dambeysay 2004 oo aan usoo gurmanay dadkii Sunaamida ay saameysay, maanta halka ay joogto iyo halka maanta ay joogto farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waxaa muhiim ahaa inay horumarkaasi ku gaareen wadajirkooda”.

“Aniga iyo wafdigeena waxna waan keenay waxna waa la noqoneynaa, waxaan guul u rajeynaynaa madaxweynaha cusub. shacabkana guul ayaan u rajeynayaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waxaa sidoo kale ku xigay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana uu ka hadlay horumarka Puntland iyo muhiimadda ay leedahay in la is cafiyo oo la wada shaqeeyo.

“Annaga iyo Puntland waxaa inoo gaara inaan nabadii kuwada noolaano, wax kale oo aan sheegayo ma jirto, waxaan rajeynayaa inaan Boosaaso intaan Gaari kasoo raacno ku tagno magaalada Dhuusomareeb, haddana wey dhow dhow dahay, waxaan rajeynayaa inaan gaarno meesha aad gaarteen”ayuu yiri Mr Xaaf oo u muuqday inuu wax badan ka gaabsanayay.

“Marka hore waxaan leeyahay aan iscafino, Cafi iyo masaamax marka xigtana aan midnimada ka shaqeyno, towfiiqda alle hana waafajiyo”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Ugu dambeyn waxaa hadalka la siiyay Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah, waxaana muuqata inuu ka duwanaa madaxda kale ee maamul goboleedyada.

“Waxaan u malaynayaa caawa shaqo fiican ayaa halkaan ka socoto, waxaan garaneyn midey tahay walqad iyo galbin middey tahay, xafladaan waa mid taariiqi ah oo maanta isu keentay Soomaali oo dhan, oo waxaa guddoomiyaha Gaarisa uu sheegay in xitaa NFD laga joogo Soomaalida wax matala”ayuu yiri Madoobe.

“Reer Puntland waxaan leeyahay waa mudan tihiin in wax badan la idiinkaaga daydo, Soomaaliya markaan eego, maanta waxay gaadhay xiligii taariiqda dib loo sici lahaa, waxay taagan tahay war halkeen ku soconaa, waxay taagan tahay xili qofka loo baahan yahay inuu qoro, war maxaad Soomaali kaga tageysaa”.

“Waxaa hubaal ah in qof walbaa beri uu banaanka ka tagi doono meesha uu joogo, madaxweynayaal nasoo maray ayaan og nahay qof walbaa wuxuu qabtay, aan garano waxaan dadkeena kaga tageyno, waxaan ku socon karnaa, wada tashi, isqancin, is ixtiraam iyo masuuliyadda”.

“Waxaa loo baahan yahay inaan isu nimaado oo wax isweydiino, waxaan mar labaad so dhaweynayaa warka ahaa inaan iscafino, is shaqada la isku canaantaana ceeb maaha, qof walbaana masuuliyad ayuu leeyahay, waxaan leeyahay aan halkaan ka bilowno fulinta hadaladii odayaasha dhaqanka”ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this