Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole oo arrimo xasaasi kusoo qaaday khudbad uu ka jeediyey xafladda Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya iyo Puntland.

Khudbadiisa ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka dalka Soomaaliya, dib u heshiisiinta madaxda maamulka Galmudug, xalinta Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo sidoo kale khilaafka u dhaxeeya xubnaha mucaaradka ee xisbiyada ku jira iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

“Waxaa meesha loo yimid baan is leeyahay niyad sami ayaa halkaa la iskuugu yimid, waxaan leeyahay halkaa “Garowe” waa lagu nafisayaa,  adduunka khilaaf siyaasi wuu ka jiraa  laakiin waa la xaliyaa, caqliga ha shaqeeyo, Trump ayaaba lagu dhagay oo isagaa tanaasulay, inaga maxaa inoo diiday inaan isku tanaasulno”

“Waxaan leeyahay dib haloo bilaabo wadahadalka Somaliland, midnimada halaga shaqeeyo, dad badan ayaa daneynaya in wadahadalka dib loo bilaabo, Turkey ayaa kaalin wanaagsan qaadaneyso, dadka wey is dhex galaan Tusaale Garowe iyo Hargeysa”

“Ajaaniibta waxaan leeyahay anaga hana kala jeedinine waxaad heysaan miiska soo saara, dowladaha carabta ee baqeylada ah ee maalin walbaa ka tuugeyno garoomo noo dhisa, waxaad heysaan miiska soo saara anaga dhinacyada hanoo kala jiidaninee”ayuu yiri Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this