Deeq A. Posted January 26, 2019 Gabadhi ma dhali karta laba mataano ah, oo aan isku eekayn, Oo kala aabo ah?! W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Diinteena Islaamku waxa ay faraysaa marka ay ninka iyo xaaskiisu kala tagaan in haweenaydu ay tirsato muddada CIDADDA, taas oo lagaga hortagaayo in ubadka ama caruurta ay haweenaydu u kala leedahay laba nin oo kala duwani ama in kabadani aanay isku khaldamin oo waxay diinti ilaalinaysaa NASABKA ilmaha dhalanaaya. Laakiin wadamada reer galbeedka ee aanu ka jirin dhaqanka Islaamku ayaa waxaa ka dhacada in Haweenay ay umusho laba ilmood oo mataano ah oo laba aabo kale leh. Horta marka hore mataano kasta oo dhashaa waxay u qaybsamaan laba qaybood, mid kowaad ayaa ah mataanaha nooca loo yaqaan “Identical Twins”, oo ah mataanaha isku eeg, waxayna dhacdaa marka ug-xanta(ukunta) Hooyadu inta ay kala qaybsanto laba ilmood u kala korta, mataanahaas halka ug-xanta ka sameysmay ayaa ah kuwo aad iskugu eeg oo aan la kala garan karin oo xitaa hadii la baadho hida-sidayaasha DNA-doodu ay isku mid noqotaa, Tusaale ahaan sidii ka dhacaday Jarmalka 2009-kii, markii boolisku baadheen goob laga dhacay dahab, baadhitaankii booliska ayaa waxay ku heleen Goloofisyo uu isticmaalay mid kamid ahaa ragii dhaca geystay, boolisku markii ay baadheen dhididka qofkii lahaa Goloofyadaas waxay soo xidheen laba wiil oo mataano ah, ugu danbayntiina maxkamd ayaa iska sii deysay labadii wiil ee mataanaha ahaa kadib markii ay kala saari weyday ka runta ah ee dembiga geystay oo waxay maxakamdu weyday cadaymo kale oo ay ku kala saarto. Nooca labaad ee Mataanaha caalamka jira oo ah nooca ugu badan ayaa waxaa la yidhaah “Fraternal twins” oo ah mataano kala duwan, oo waxay dhacdaa marka Hooyada Rixinkeeda ay kujiraan laba ug-xamood oo kala duwan, labadaas ug-xamood ee kala duwan ayaa waxay isku bedeli karaan laba ilmood, mataanaha noocan ah ayaan lahayn 100% astaamo isku mid ah, oo hadii mid kamid ahi uu dembi galo way fududtahay in si dhibyar loosoo qabto kii dembiga galay, waxaanay wadaagaan 50% DNA-dooda Hadaba mataanaha ayaa dhici kara in ay labo Aabe kala yeeshaan, oo waxay dhacdaa marka Haweenaydaasi labada ukun ee ay kala siday ay laba nin kala bacaramiyaan, markaas mataanahaasi waa isku hooyo, laakiin labo aabo oo kala duwan ayey yeelanayaa, in kasta oo xaaladda noocan ahi ay tahay mid aad u yar waxaa dhawr dhacdo oo noocan ah laga sheegay Maraykanka, Fiitnaam, Jayna iyo Ugaandha, dhacdooyinkan oo inta badan lugu qoro wargeesyada caalamka iyo tv-yada labadaba, inta badan aabaha ayaa ka shakiya mataanaha kala duwan taas oo marka la baadho la ogaado in ay laba aabo kala leeyihiin. Tix-raac: 1. en.wikipedia.org/wiki/Superfecundation 2. Brain feeding Channel 3. Spiegel Online News 4. BBC World News Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites