Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Ku Dhintay Laba Diyaradood Oo Isku Jiidhay Xuduudka Waddamada Talyaaniga Iyo Faransiiska.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Roma) Ugu yaraan 5 ruux ayaa dhimatay kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo marayay meel u dhow xadka ay wadaagaan Talyaaniga iyo Faransiiska.

77EE9309-0E78-48C4-BECD-8151EA9BAA1A.jpe

Kooxaha gurmadka deg degga ayaa 2 qof oo dhaawac ah ka helay goobta ay diyaaradahan ku burbureen, sida ay bartooda twitterka kusoo qoreen mas’uuliyiinta waaxda bad baadada buuraha ee talyaaniga.

Shilkan dhimashada sababay ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Rutor glacier oo u dhow magaalada Aosta.

Shaqaalaha samata bixinta ayaa wata qalabka biraha lagu jaro, si ay badnbaadiyaan dad kale oo ay suurta gal tahay iney noolyihiin, iyadoo dadka halkaas ku dhaawacmayna loo qaaday isbitaallada.

Ilaa iyo hada ma cada sida uu shilku u dhacay iyo cidda saarmneyd labada diyaaradood ee isku dhacday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this