Deeq A. Posted January 26, 2019 Garowe (Sh.M.Nework) – Waxaa magaalada Garowe si rasmi ah uga bilaabatay xaflada caleema saarka Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaash. Munaasabada oo si wayn loosoo qaban-qaabiyay ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madax kale oo ka tirsan dowlada dhexe iyo maamul goboleedyadda. Siyasiyiin ay kamid yihiin Madaxwayneyaashii hore ee wadanka, Xasan Sheekh Maxmuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ah marti sharafta lagu casuumay ee caawa kasoo muuqan doono xaflada. Amaanka ayaa aad loo adkeeyay iyada oo guud ahaan wadooyinka soo gala goobta ay ka qabsoomeyso munaasabada lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo sugaya nabad-gelyada madaxda halkaasi isugu tegtay. The post Xaflada caleema saarka Madaxwaynaha P/Land oo bilaabatay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites