Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay caasimada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Sh.M.Network) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax culus oo Fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Booliska ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow Maqaaxi uu ka dhashay Miino lagu aasay nawaaxiga goobta ganacsi.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaarey qaraxaan, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa durba yimid laamaha amaanka, kuwaasi oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala.

Wali ma jirto koox dhabarka saaratay mas’uuliyada weerarkaan, balse, xarakada Al-Shabaab ayaa indhawaanahaanba weeraro ka geysaneysay Kenya.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii ay Al-Shabaab weerartay Hoteelka DusitD2 ee ku yaala Galbeedka Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 21 ruux.

The post Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay caasimada Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this