Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Madax kala duwan oo ku sugan goobta xafladda & Madaxweyne Farmaajo oo la sugayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeeysay, waxaana goordhow bilaabaneysa munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed,wasiiro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku sugan hoolka munaasabadda ka dhaceyso.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/Welli Gaas ayaa sidoo kale ku sugan goobta xafladda ka dhaceyso.

Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland ayaa la sugayaa inay tagaan goobta kadibna waxaa bilaabaneyso khudbadaha ay jeedinayaan madaxda kala duwan ee kusugan magaalada Garowe.

Madax ka socota caalamka ayaa sidoo kale ku sugan madasha xafladda Caleemo saarka ay ka dhaceyso.

La soco soco caleemo saarka madaxweynaha Puntland

IMG_1787.jpg IMG_1793.jpg IMG_1794.jpg IMG_1797.jpg IMG_1799.jpg IMG_1805.jpg IMG_1808.jpg IMG_1809.jpg IMG_1810.jpg IMG_1811-678x381.jpg IMG_1812.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this