Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiimaha Lacagta Ku Baxaysa Laba Guri Oo Xukuumadda U Dhisayso Guddoomiyaha Wakiillada Iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Oo Leegaaday Mashaariic Tiro Badan Oo Uu Madaxweyne Biixi Dhagax Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ay laba guri magaalada Hargeysa uga dhisaysaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo mid ka mid Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland soo maray.

Xukuumadda ayaa Miisaaniyadda sannadeedkan 2019-ka ku dartay labada gari ee la sheegay in loo dhisayo labadan oday ee reer Somaliland, arrinta mucjisada ah ayaa waxa ay tahay in qiimaha ay ku kacayaan labada ay guri ay la qiimo yihiin mashaariic tiro badan oo Madaxweyne Muuse Biixi soo dhagax dhigay muddadii uu safarka ku marayay gobollada bariga Somaliland kuwaas oo kala ah Shaybaadh baa laga dhisaya, garoon la yidhi Ceerigaabo ayaa laga dhisaya, garoon la yidhi Oodweyne laga dhisaya, garoonka Timacadde, dhismaha dabdamiska Berbera, dhismaha dabdamiska Laascaanood.

Hoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay arrintan waxa uu ka dhaliilay tallaabadan xukuumadda Madaxweyne Muuse Muuse Biixi isaga sheegay in arrintan ay tusaale u tahay halka aynu u socono.

“Laba guri oo Hargeysa laga dhisayo oo midna lagu maamuusayo madaxweyne xigeenkii hore midna guddoomiyaha baarlamaanka dhaqaalaha ku baxaya ayaa wuxuu isku leeg yahay meel la yidhi Shaybaadh baa laga dhisaya, garoon la yidhi Ceerigaabo ayaa laga dhisaya, garoon la yidhi Oodweyne laga dhisaya, garoonka Timacadde, dhismaha dabdamiska Berbera, dhismaha dabdamiska Laascaanood waxaas oo dhan lacagta loogu talo galay waa lacag leeg lacagta lagu dhisayo laba guri oo lagu maamuusayo laba nin oo odayaal ah. Odayaasha in la maamusa waa sax laakiin, waxaad arkaysa qorshaha aynu leenahay iyo halka aynu u socono ee humaagga ah,” Sidaas ayuu yidho Xoghaye Khadar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this