Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika Oo xoojinaya howlgalkiisa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Afrika ayaa wada qorshe sare loogu qaadayo howlgallada Booliska AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalka Uganda iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madax howlgalka AMISOM Francisco Madeira.

Waxaana labadad dhinaca ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa howlgallada Booliska AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Grace Turyagumanawe oo ah sarkaal ka socda Booliska Uganda ayaa xusay ballaarinta Ciidamada Booliska AMISOM ay gogol xaar u tahay tayeynta Booliska Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa kordhinaya tirada Booliska ka jooga Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qaraar sanadkii 2017-kii ka soo baxay golaha ammaanka ee QM.

Dalka Ghana ayaa dhawaan Soomaaliya uu soo diray 120 Askari oo Boolis ah, kuwaas oo ku biiraya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Jabuuti ayaa ballan qaaday in Ciidamo Boolis ah u soo direyso Soomaaliya, si ugu qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika

The post Midowga Afrika Oo xoojinaya howlgalkiisa Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this