Deeq A. Posted January 26, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida ay soo warinayaan dadka deegaanka waxaa faraha ka sii baxaya ammaanka degmada Dharkenley, iyadoona saacadihii la soo dhaafay labo Qof oo rayid ahaa lagu dhaawacay xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi. Mid ka mid ah falkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Askari ku labisnaa dareeska Ciidanka dowladda oo dhaawacay mid ka mid ah dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta. Sidoo kale dhacdada kale ayaa dhacday xalay, kadib markii nin hubeysan uu u dhacay Guri ay ku sugneyd Haweeney, kaas oo lugta ka dhaawacay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka amni ee ka jira degmada Dharkenley ee G/ Banaadir. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Turkey-.mp3 The post Dilal iyo falal amni dari Oo ka dhacay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites