Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo ka laabtay go’aankii uu ku hakiyay shaacinta duqeymaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadayaan baahinta ku aadan warbixinada duqeymaha cirka ah oo ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii dhawaantani ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen baahinta wararkaasi.

“Waxaan sii wadi doonaa baahinta Natiijooyinka ka dhasha duqeymaha, inkastoo aan dib u habeyn ku sameyn doono fariimaheena, sidoo kalena waxaan xoojin doonaa ka warbixinta tirada Dagaalyahannada Al Shabaab ee la dilo iyo faah faahin dheeraad ah oo aan ka bixino duqeymahaasi, sidaasi waxaa VOA-da u sheegay John Mankey oo Afhayeen u hadlay Taliska Mareykaka ee AFRICOM.

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in qorshahani ay uga gol leeyihiin sidii saaxibadooda wada shaqeynta ka dhaxeyso ay uga faa’iidaysan lahaayeen warbixinadooda, si ay ugu dabaqaan howlgalladooda ku wajahan dhanka amniga.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeynatii ugu dhimashada badneyd bishani sheegay in ay ku dileen 52 ka tirsanaa Al Shabaab duqeyntaasi oo ay  ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dhanka kale Cabdinuur Ibraahim oo ah Afhayeen u hadlay DFS ayaa sheegay in khasaaraha Al Shaaab lagu gaarsiiyay duqeyntii Jilib ay korortay, islamarkaana haatan ay mareyso dhimashada 70 xubnood , sida uu hadalka u dhigay.

Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, tan iyo markii talada dalkaasi uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump.

The post Mareykanka Oo ka laabtay go’aankii uu ku hakiyay shaacinta duqeymaha Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this