Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Farmaajo oo kasoo degi waayey baabuurka markii uu tegay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo si weyn looga sugayay.

Buuq weyn ayaa ka dhacay soo dhoweynta, waxaana isugu soo baxay kumanaan qof. Madaxweyne Farmaajo ayaa xitaa kasoo degi kari waayey gaarigii siday in muddo ah, kadib markii shacabkii kusoo dhoweynayey Garoowe la celin waayey.

Wafdiga madaxweynaha oo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Ciidamo badan oo ka tirsan booliska iyo kuwa baambeyda ayaa ku sugnaa Garoonka diyaaraha ee magaalada Garowe, iyaga oo madaxweynaha kusoo dhaweeyay magaalada.

Garowe waxaa kaga horeeyay xubno ka tirsan wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, kuwaasi oo hordhac u ahaa safarka uu maanta ku tagay magaalada Garowe.

Xubnaha xisbiyada oo mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ku sugan magaalada Garowe, waxaaa ay dhamaan ka qeyb galayaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Waxaa ka horeeyay oo daqiiqado ka hor tagay magaalada Garowe madaxweynihii dowladii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed oo kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hoos ka daawo soo dhoweyntii Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this