Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Puntland oo qorshe u dejisay in la kala ilaaliyo Farmaajo iyo mucaaradaka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dejiyey qorshe ay ku xaqiijinayaan in xafaladda Garoowe aysan noqon masrax siyaasadeed ay ku barataman madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ku ah.

Magaalada Garoowe waxaa ku sugan madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin iyo xildhibaano kale oo mucaarad ah, oo la filayo inay halkaas khudbado ka jeediyaaan.

Qorshaha Puntland ayaa ah inay xaqiijiyaan in ujeedkooda oo ah in caleemo-saarka madaxweyne Saciid Deni uu noqdo mid maqam sare, aanay diiradda ka weecin dagaal siyaasadeedka madax kale ee Soomaalida.

Sida aan xogta ku helnay, dhammaan dhinacyada khudbadaha ka jeedinaya halkaas ayaa loo sheegay inay diiradda saaraan kaliya caleemo-saarka iyo xaaladda guud ee dalka, balse aysan u adeegsadan masraxa meel siyaasiyiin kale ka weeraraan.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay shirarka jaraa’id iyo isku imaatinyada ka baxsan caleemo-saarka.

Waxaa si gaar ah loola hadlay siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumadda nabad iyo nolol, kuwaas oo aad looga cabsi qabo inay madaxda dowladda weeraraan ama aflgaadeeyaan.

“Puntland walaac kama qabto Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Shariif, way ogtahay inay yihiin dad degan, oo aanay ka suurto-galin inay siyaasi kale aflagaadeeyaan, balse waxaa cabsida laga qabaa dhinaca siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kale ee mucaaradka” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this