Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Xirfadlayaasha Da’yarta Muqdisho City Oo Lasoo Gaba Gabeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo gabagabeeyay tartan ay u qabteen ilaa 10-koox kaas ay ugu magac dareen Muqdisho Talent Cup waxaan xeritaanka koobkan ka qeeb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeetti,iyagoo dhiiri geliyay labadii koox ee fiinaalka wada ciyaaray.

50567124_1953259321418421_83463787562642

Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa ka warbixiyay mudadii uu tartanka socday iyo yoolkii ugu weynaa ay usoo qaban qaabiyeen.

51308426_1953260571418296_61058075203941

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo garab istaagida ciyaartooyda xirfada leh ee ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir.

50940448_1953259684751718_78848477983387

Qaar ka mid ah ciyaartooydii ka qeyb gashay Muqdisho Talent Cup ayaa inoo waramay kulan ka dib,iyagoo u mahad celiyay maamulka kooxda dowladda Hoose oo soo abaabulayay koobkan.

 50940308_1953258664751820_79976804890349

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay tartamadda nuucaan oo kale laga helayo xirfadlayaal tayo leh kuwaas oo wax badan ku kordhin kara hanaanka kooxaha kubbadda cagta iyo xulka qaranka dalka.

50820531_1953260314751655_68795524500684

Si kastaba maamulka Kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa wada da’daalo ku aadan horomarinta ciyaaraha iyo soo saaridaa xirfadlayaal da’yar ah kuwaas oo mustaqbalka ka ciyaara kara tartamadda gudaha.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Muqdisho Talent Cup

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this