Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Garoowe Uga Qeybagalaya Caleema Saarka Dani

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Waxa uu madaxweynaha halkaasi uga qeybgali doonaa munaasabadda Caleema Saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo munaasabaddana ay bilaaban doonto gelinka dambe ee maanta.

Sidoo kale, garoowe waxaa ku sugan madaxda dowlad goboleedyada, xildhibaanno, wasiirro, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, siyaasiyiin iyo xubno beesha caalamka ka socdas.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this