Deeq A. Posted January 26, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa sii diiran Garoowe ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Saciid C/laahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi. Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha DFS ayaa ka qeybgalaya xafladda caleema saarka Madaxweyne Deni oo caawa ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale waxaa barqanimadii maanta magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabaddaasi. Madax kala duwan oo ugu horreeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka Garoowe, una galbiyay madaxtooyada maamulkaasi. Caawa fiidka hore ayaa lagu wadaa in caleema saarka uu ka bilowdo xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Puntland. The post Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites