Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sheegay in Askar Burundi ah ay ku dileen Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadaay ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax lagu dilay Askar ka tirsanaa Ciidamada Burundi oo ka dhacay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi, sida ay baahiyeen Al Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, gaar ahaan Ciidanka Burundi oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro jidgal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

The post Al Shabaab Oo sheegay in Askar Burundi ah ay ku dileen Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this