Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Ololaha Isxilqaan Oo ka hirgalay magaalada Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa u istaagay olola Isxilqaan ee uu kol hore ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Dhalinyaradan ayaa olole nadiifin ah ka bilaabay xaafadaha Baladweyne, si ay u soo celiyaan bilicdii ay laheyd magaaladaasi.

Cabdi Muumin Cilmi oo ah gudoomiyaha urur ay ku midoobeen dhalinyradaaasi ayaa ka warbixiyay Ololahaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka dhalinyaro ahaan ay si abaabuleen, si ay wax ugu qabtaan dadkooda iyo dalkooda.

Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka, sidoo kalena lagu nadiifinayo xarumaha muhiimka u ah bulshada, si loo soo celiyo qurxudii iyo maamuuskii ay lahaan jirtay Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

Ol.jpgBom.jpgAaxmey.jpgAali.jpgBoorki.jpg

The post Sawirro:-Ololaha Isxilqaan Oo ka hirgalay magaalada Baladweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this