Deeq A. Posted January 26, 2019 Madaxweynihii hore Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku casuman xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Mudane Shariif Sheekh Axmed markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen Maxamed Abshir ayaa waxaa ku dhoweeyay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka saree e Baarlamanka Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa isna soo gaaray Garoowe, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif iyo Cali Geeddi oo soo gaaray Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites