Sign in to follow this  
Deeq A.

Naafada Ku Nool Garbahaarey Oo Cabasho Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa laga deyrinayaa Xaalada Nololeed ee ay ku sugan yahiin Naafada ku dhaqan degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Dhibaatada ugu daran ee naafada ay qabaan xilligan ayaa waxaa ugu weyn nolol xumo, Daryeel la’aan iyo shaqo la’aan, iyadoo dadka naafada ee ku dhaqan Garbahaarey iyo nawaaxigeeda lagu qiyaaso in ka badan ilaa 130 ruux, oo isugu jira rag iyo Dumar.

Aadan Maxamed Ereg oo ah Guddoomiyaha Naafada Garbahaarey oo lahadkay Goobjoog ayaa sheegay in aysan jirin xilligan wax daryeel ah oo ah helaan.

Waxa uu sheegay Aadan iney u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, islamarkaana cid walbo ay taageero xooggan ka rabaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Naafada-Garbahaarey-oo-ka-cabanaysa-noolol-xumo-iyo-daryeel-la’aan-ok.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this