Deeq A. Posted January 26, 2019 Ciidanka daraawiishta ee maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu diley Haweeney, iskuna dayey inuu baxsado. Mukhtaar Cabdulle oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Hirshabelle ayaa u sheegay Goobjoog in ninkaasi ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana hadda baaritaan lagu hayo. Waxa uu sheegay taliye ku xigeenka in dadka deegaanka dilka uu ka dhacay ay gacan weyn ka geysteen sidii loo sooqaban lahaa ninkaasi. Dilka ayaa ka dhacay Tuulada Gaal-leef oo kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/TALIYAHA-DARAWISHTA-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites