Deeq A. Posted January 26, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Wafdi hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo la filayo in goor dhow ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho ayaa halkaasi uga qeyb gali doono munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Saciid Cabdullahi Deni. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa si aad ah haatan looga dareemayaa gudaha magaalada Garoowe ee xarunta G/ Nugaal. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi. Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira madax hore, kuwa haatan , siyaasiyiin, madaxda maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale ayaa qeyb galaya xafladdan oo saacadaha soo socda ka dhici doonto madaxtooyada dowlad goboleedka Punntland. Sideedii bishan ayey aheyd markii Deni lagu doortay Garoowe, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo saaka ku wajahan M/ Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites