Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran Oo xalay laga sameeyay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorseheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.

Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayay amniga, sidoo kalena looga hortagayay falalka ammaan dari ee mararka ka dhaca degmadaasi Afgooye.

Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen howlgalladaasi.

Shalay ayey aheyd markii dabley hubeysan ay 4 Qof ku Toogteen suuqa ku yaalla bartamaha magaaladaasi.

The post Howlgallo ballaaran Oo xalay laga sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this