Deeq A. Posted January 26, 2019 Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorseheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayay amniga, sidoo kalena looga hortagayay falalka ammaan dari ee mararka ka dhaca degmadaasi Afgooye. Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen howlgalladaasi. Shalay ayey aheyd markii dabley hubeysan ay 4 Qof ku Toogteen suuqa ku yaalla bartamaha magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo xalay laga sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites