Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cagjar Oo looga yeeray magaalada Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) ayaa maanta mar kale looga yeeray xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi.

Madaxweyne Cagjar ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu u ambaxbaxo magaalada Addis Ababa, si uu ula kulmo madaxda sare ee Itoobiya.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisadan ayaan salka ku heyso arrimo la xariira maamulka, taas oo u dhexeysa madaxweyne Mustafe Cagjar iyo wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Dhowr jeer oo hore ayaa madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya looga yeeray Addis Ababa, si su’aalo looga weydiiyo xiisadaasi.

The post Madaxweyne Cagjar Oo looga yeeray magaalada Addis Ababa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this