Deeq A. Posted January 26, 2019 Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka degmada Maxaas ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga deegaanka Ceel Cirro oo 25 KM u jira degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin Qabiil oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi. Dilalkan ayaa la sheegay in loo geystay ku dhawaad 5 Qof oo ay mid ka mid aheyd Haweeney, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga casbi qabo in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka degmada Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites