Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo fursadood oo ka dhex muuqata caleemo saarka madaxweyne Saciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku sugan masuuliyiintii ugu sareysay ee dalka iyo kuwo horay xilal kala duwan usoo qabtay, kuwaasi oo dhamaantood hal meel kuwada kulansan.

Xubnaha ku sugan magaalada Garowe ayaa aad u kala fog aragti siyaasadeed ahaan, waxaana ay ka qeyb galayaan xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Garowe waxaa ku sugan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo xisbiyada Mucaaradka oo isku aragti ka ah inay dhaliilsan yihiin hanaanka ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo xubno xildhibaano iyo wasiiro ah oo taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana dhamaantood kulmiyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labo fursadood ayaa halkaasi ka muuqata haddii ay fahmayaan madaxda labada dhinac ee mucaarad iyo muxaafadba ka kooban waxaana fursadda koowaad ay tahay inay isi saamaxayaan dhamaan xubnaha waxyaabaha kala duwan kala tirsanaya.

Fursadda labaad ayaa dadka falanqeeya siyaasadda waxay ku sheegayaan inay tahay inay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka Soomaaliya, maadaama hadda la taagan yahay labo waddo oo middii la qaadaba wanaag iyo xumaan lagala kulmi karo.

Haddii si wadajir ah ugu yaraan isku soo dhawaansho loo dareemo waxaa dadka siyaasadda Somalia taxliiliya ay sheegayaan inay sahlanaan doonto in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhameystirka Dastuurka dalka iyo doorasho ka dhacdo dalka 2021.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Cameey ayaa sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ka shaqeeyay arin wanaagsan oo u baahan in si dhab ah loo gudo galo xal u helidda madaxda uu kulmiyay ee is khilaafsan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this