Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba qorshe oo laga fahmi karo weerarka Sheekh Shariif uu ku billaabay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday saaxada saxaafadda toddobaadkan.

Shariif oo tan iyo bishii Febraayo 2017 dibad joog iyo aamusnaan isku darsaday ayaa dhawaan u warramaya jaraa’idka caanka ah ee The Standard oo Kenya ka soo baxaya.

Madaxweynihii hore waxa uu halkaas seefta ugala baxay banaanka isaga oo madaafiicdii ugu horreeysay ku ganay dowladda ay hogaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre.

“Waxaa igu kalifay in aan dib isu soo sharraxo itaal darida dowladda hadda jirta”, waa gantaaladii ugu xiisaha badnaa ee uu riday Sheekh Shariif.

Hadaladaas waxa ay xoojin u ahaateen xaqiijinta in uu u tartami doono doorashada 2021-ka la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Maxaa hadda ku soo aadiiyey, waa maxay ujeedka Sheekh Shariif? Waa su’aalo la is weydiinayo.

Faaladan kooban waxaan ku eegi doonaa laba qodob oo ay suurtagal tahay in ay ka dambeeyeen dagaal siyaasadeedka cusub ee Shiekh Shariif.

1 – Xaqiijinta in uu bilaabay ol’olihiisa madaxweynenimo

Sheekh Shariif sida ku cad hadaladiisa waxa uu bilaabay oo uu daahfuray ol’olihiisa Madaxweynenimo ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Doorashada waxaa hadda ka harsan muddo laba sano ah taas oo muujineysa in ay uu dalka ka bilowday u diyaar garowgeeda.

Sheekh Shariif waxa uu si rasmi ah ugu soo biiray loolankaas.

2 – Sixidda qaladkii uu galay 2016

Sheekh Shariif waxa ay u muuqataa in u saxayo qaladkii uu galay doorashadii hore ee uu kaalinta saddexaad ka galay.

Qaladkaas waxa uu ahaa in uu ol’olihiisa la sugay dhawrkii bilood ee u dambeeyey taas oo ka dhigan in uu hadda wax ka bartay.

Dagaal siyaasadeedkan uu Sheekh Shariif laba sano kahor doorashada 2021-ka bilaabay ayaa ka dhigan in uu loolanka rabo in aan looga dheereyn.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this