Deeq A. Posted January 26, 2019 Garowe (Caasimada Online)-Munaasabadda ka dhaceyso magaalada Garowe ayaa waxaa isku arkaya madax kala duwan oo aragtida siyaasadeed ku kala fogaaday tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook waxaa qabsaday barnaamijka is cafis ee lagu bartay maalmihii ugu dambeeyay Sheikh Kenyaawi, iyadoo dadka ay ka hormarinayeen su’aalo u badnaa casuumaada Kenyaawi ee caleemo saarka Garowe. Dadka taageersan dowladda iyo kuwa dhaliilsanba ayaa ka sinnaa inay su’aal ka keenaan sababta caleemo saarka loogu casuumi waayay Sheikh Kenyaawi, iyaga oo ka eegayay dhinacyada kala aragti duwan ee ku sugan madasha. Waxay sheegeen in hadda loo baahnaa in Sheikh Kenyaawi lagu casuumo caleemo saarka si uu goobta kaga jeediyo muxaadaro is cafis ah, maadaama ay ku sugan yihiin dhinacyadii warbaahinta iska weerari jiray. Madaxweyne ku xigeenkii Puntland ayaa kamid ahaa dadka soo hadal qaaday barnaamijka is cafis in looga baahan yahay xarunta caleemo saarka ka dhacayo, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay hadda u baahan tahay wax wada qabsi. “Maxaan loo casuumin Sheikh Kenyaawi” ayaa cinwaano looga dhigay baraha Bulshada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites