Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenkii P/Land C/Xakiin Cameey oo fariin u diray madaxda iyo siyaasiyiinta ku sugan Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii ku xigeenkii Puntland C/xakiin Xaaji Cameey ayaa ka hadlay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta ka dhaceyso magaalada Garowe.

C/xakiin Cameey ayaa ugu horeyn sheegay in madaxweynaha Puntland uu sameeyay dadaal dheeri ah si ay magaalada Garowe ugu kulmaan dhamaan xubnaha Soomaaliya matali lahaa.

Wuxuu sheegay in dhinacyada ku shiraya magaalada Garowe looga baahan yahay inay ka fakaraan aayaha Soomaaliya iyo halka ay haboon tahay in loo wado, maadaama hadda meel wanaagsan ay wax marayaan.

Madaxweyne ku xigeenkii Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada mucaaradka inaysan ka shaqeyn mucaaradnimo wax dumineysa oo ay ka fakaraan mucaaradnimo dalka Soomaaliya horey usoo wadi karta.

“Waxaa mudan in loo mahad celiyo madaxweynaha Puntland oo muddo kooban kaga shaqeeyay sidii ay isku arki lahaayeen dadka ay ka go’do talada Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada kulmaya, inay ka shaqeeyaan sidii dalkaan loosii hormarin lahaa”

“Lama joogo meel dib u dhac iyo dib looga laaban karo, waxaan leeyahay ka shaqeeya sidii horumar loo gaari lahaa, ka shaqeeya sidii la isku fahmi lahaa”ayuu yiri C/xakiin Xaaji Cumar Cameey.

Magaalada Garowe oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Puntland waxaa isku arkaya dhamaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this