Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdooyin ugub ah oo ku ah Puntland oo shalay dhacay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhacdooyin ugub ah oo ku ah Puntland oo shalay dhacay.

 

Shalay intii lagu guda jiray soo dhaweyntii loo sameynayay wufuudii ka soo dageysay garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxaa dhacay dhowr dhacdo oo ku cusub Puntland.

Tii ugu horeysay ayaa ahayd marii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu la soo dagey ciidamo fara badan oo aad u qalabaysan, kuwaas oo tira ahaan dhamaa soddon (30) askari, waxaana markiiba lagu wareejiyay labo kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland.

ciidamo-Juballand.jpg?resize=600%2C321&sCiidamo uu watay Madaxweynaha Jubbaland, Garowe

Horey Puntland ugama dhicin in madaxda dowladd goboleedyadu ay la yimaadaan ciidamo gaara, lama yaqaan sababta ku kaliftay in Axmed Madoobe uu ciidamo farbadan u soo kaxaysto Garowe.

Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii, Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu warbaahinta u sheegay in aan la baahin karin wararka Cabbdiraxmaan Cabdishakuur iyo cid walba oo mucaarad ku ah Dawlada Soomaaliya, walow amarkaasi uusan shaqeyn markii dambe.

Sidoo kale gudaha garoonka diyaaradaha ayaa laga saaray dad watay astaamo iyo calamo halku dheg u ahaa xisbiga uu hogaamiyo Cabbdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir oo Mucaarad ku ah Xukumada Farmaajo.

Cabbdirahmaan Cabdishakuur ayaa markii uu soo gaadhay Garowe loo ogolaan in uu hadal jeediyo, lamana yaqaano sababta loogu diiday, maadaama la casumay.

Shalay ayay ahayd markii Garowe lagu soo dhaweeyay labo haween ah oo mid walba sheegatay in ay tahay Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this