Deeq A. Posted January 26, 2019 Jigjiga (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Mas’uuliyiinta Xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin. Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya. Waxa ay sheegeen in 6-da ruux ee xiran uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegtay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin Dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxa ay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xiriireen Dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xiro, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya si loogu Ciqaabo dambiga ay galeen. Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayay sheegeen in ay ku sugan yihiin Dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aysan carrabaabin. Waxaa sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin Magacyada dadka la doon-doonayo ee ku dhow qofka ruux. 4-tii Bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay 2018, Dibadbax rabshado waty oo ka dhacay Magaalada Jigjiga waxaa ka dhashay Dil, Barakac, Boob iyo Xad gudubyo kale. Rabshadaas kadib waxaa la xiray Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno lasoo shaqeeyay, talada waxaa qabsaday Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), waxa uu la jaan qaaday isbitalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Waxaa lala heshiiyay Hogaanka Jabhadda ONLF, sidoo kale waxaa laga saaray liiska waxa loogu yeero Argagixisada, halka la bur-buriyay Xabsiga Jeel Ogaadeeniya oo inta badan Maamulkii Cabdi Maxamuud ku ciqaabi jiray dadka hadda Eedahooda loo heysto. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites