Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaliya: Maamulka Puntland Oo Ka Digay In Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamulkas Loo Adeegsado Arrimo Siyaasadeed.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Garoowe) Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga faa’iidaysto xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ee beri ka dhaceysa Garoowe.

E640B04D-57F0-4CEC-84D1-E9EAE79A6254.jpe

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu ay kala hadli doonaan martida khudbadaha ka jeedinaysa xaflada inay iska ilaaliyaan wixii arrimo siyaasadeed ah oo keeni kara iyo ereyada xanafta leh.

“Puntland ujeedo siyaasadeed oo gaar ah kama lahan inay Garowe isugu keento wufuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexeyso, balse muhiimadu waxay tahay in dowladdu muujiso inay qadarin u hayso mucaarad iyo muxaafid” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili dad badan ay walaac ka muujiyeen in arrimo siyaasadeed looga faa’ideysto xaflada caleemo saarka ee Puntland ay ku casuuntay madaxda federaalka iyo mucaaradka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this