Deeq A. Posted January 25, 2019 Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay garoonka Gen. Maxmed Abshir ee Garowe Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta soo gaaray wufuud kala duwan oo ka qeyb-galaysa caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni. Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe maanta si kala duwan loogu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo kala hogaaminayay wufuud ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan maamuladaas. Waare iyo Deni Garoonka diyaaradaha waxaa masuuliyiintaas ku soo dhaweeyay Madaxweyanaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano, Sarkiisha ciidamada kala duwan ee Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ee magaalada Garowe. Madaxweynaha Koonfur galbeed-Garowe Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, Madaxweynaha Hishabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Galmudg Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo mid walba markii uu yimi warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Puntland iyo shacabkeeda uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay. Deni iyo Xaaf Sidoo kale waxaa maanta Garowe yimid wafdi isigu jira Wasiirro iyo Xildhaabo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Wasiirka arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad, waxayna hor-dhac u ahaayeen Madaxweyne Farmaajo oo berri ku soo wajahan Garowe Dhanka kale waxaa Garowe yimid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo hadana ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo wafdi la socday oo isugu jiray golaha fulinta ee xisbiga iyo Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka ka tirsan. Deni iyo Xasan Sheekh, garoonka diyaaradaha Gen. M. Abshir Waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaano ka tirsan Puntland iyo dad kale. Xasan Sheekh iyo fanaanada Himilo Gobaad oo wada socday Sidoo kale waxaa isna maanta Garowe lagu soo dhaweeyayay Guddoomiayaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah shakhsiga xiisaha gaar ah u yeelay xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. CC Shakuur, garoonka diyaaradha Gen. M. Abshir, Garowe. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si lamid ah masuuliyiintii kale waxaa u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo dad kale. Maalinta berri oo sabti ah ayaa la filayaa in ay yimadaan Garowe wafdi uu hogaaamniyo Madaxweyne Farmaajo iyo wufuud kale oo ka kala socota dalalka deriska iyo beesha caalamka. Dhacdooyin ugub ah oo dhacay. Maanta intii lagu guda jiray soo dhaweyntii loo sameynayay wufuudii ka soo dageysay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, waxaa dhacay dhowr dhacdo oo ku cusub Puntland. Tii ugu horeysay ayaa ahayd marii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) uu la soo dagey ciidamo fara badan oo aad u qalabaysan, kuwaas oo tira ahaan dhanaa soddon (30) askari, waxaana markiiba lagu wareejiyay labo kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland. Ciidamo uu watay Madaxweynaha Jubbaland, Garowe Horey Puntland ugama dhecin in madaxda dowladd goboleedyadu ay la yimaadaan ciidamo gaara, lama yaqaan sababta ku kaliftay in Axmed Madoobe uu ciidamo farbadan u soo kaxaysto Garowe oo ku caan baxday amni badi. Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii, Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu warbaahinta u sheegay in aan la baahin karin wararka Cabbdiraxmaan Cabdishakuur iyo cid walba oo mucaarad ku ah Dowlada Soomaaliya, walow amarkaasi uusan shaqeyn markii dambe. Sidoo kale gudaha garoonka diyaaradaha ayaa laga saaray dad watay astaamo iyo calamo halku dheg u ahaa xisbiga uu hogaamiyo Cabbdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir. Cabbdirahmaan Cabdishakuur ayaa markii uu soo gaaray Garowe loo ogolaan in uu hadal jeediyo, lamana yaqaano sababta loogu diiday, maadaama la casumay. Shalay ayay ahayd markii Garowe lagu soo dhaweeyay labo haween ah oo mid walba sheegatay in ay tahay Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wufuud timi Garowe iyo dhacdooyin ugub ah oo dhacay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites