Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Dalkaasi Soomaliya Oo Ka Hadashay Dhibaatada Ciidamadda Kenya Gaystaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Shirka Golaha Wasiirada Dalkaasi Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah.

009E355F-0F1E-4677-BCE3-49135CCF659E-102

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Maamlmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Kenya waxaa ay bur burin ku sameeyeen mid ka mid ah shirkadaha isgaaarsiineed ee ku yaala deegaanada gobalada Jubooyinka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this