Deeq A. Posted January 25, 2019 Garowe (Sh.M.Network) – Madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa siyaabo kala duwan maanta ugaarey magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Madaxwaynaha PL Saciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaash iyo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyaantaan. Siyasiyiin kale oo uu ku jiro Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa kamid ah wafuuda maanta gaartay caasimad goboleedka Nugaal. Dhamaan dhinacyaddan ayaa xarunta rasmiga ah ee dowlad goboleedka Puntland kaga qaybgalay xaflada caleema saarka Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, taasoo lagu wado inay berri oo Sabti ay qabsoonto. Dhanka kale, madax ka socota dowlada Federaalka ah ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garowe, iyaga oo ka qaybgeli doona munaasabada xaflada caleema saarka Deni. Amaanka magaalada ayaa si wayn loo sugay iyadda oo wadooyinka waawayn ee soo gala halka la qorsheeyay inay ka qabsoonto munaasabada lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo sugaya nabad-gelyada. The post Madaxda maamulada oo gaarey Garowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites