Deeq A. Posted January 25, 2019 Afmadow (Sh. M. Network)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadan lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Dhoobley iyo degmada Afmadow ee gobolkaasi. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen deegaanka Dhoobley, kuna soo jeedeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, iyadoona xiriiro aan la sameynay saraakiisha Jubbaland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen 19 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka maamulka Jubbalanbd, sidoo kalena ay ku dhawaaceen hal Askari, kuwaas oo la socday Gaari Cabdi Bile ah oo uu qaraxu haleelay, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo gaaray halkaasi. The post Ciidamada Jubbaland oo qarax lagula eegtay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites