Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka digtay in la siyaasadeeyo caleema saarka Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Sh.M.Network) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka digay in arrimo siyaasadeed looga faa’ideysto xaflada caleema saarka Madaxwaynaha maamulkaan, Saciid Cabdullaahi Deni, oo qabsoomeysa maalinta berri ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in marti sharafta looga baahan yahay inay marka ay khudbadaha jeedinayaa ku koobnaa xaflada iyo arrimaha Puntland.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiir Qarjab daboolka ka qaaday inay madaxda iyo siyaasiyiinta ka qaybgaleysa munaasabada ay kala hadli doonan arrintaan, maadaama ay si wayn ukala aragti duwan yihiin.

Xaflada caleema saarka Madaxwaynaha Puntland oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa si wayn isha loogu hayaa, iyadda oo ay tahay madal kulmi doonta siyaasiyiin si wayn ugu kala aragti duwan siyaasada dalka.

The post Puntland oo ka digtay in la siyaasadeeyo caleema saarka Deni appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this