Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS iyo AMISOM oo kawada hadlay xoojinta howlgalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Ntwork) – Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubno ka socday howlgalka AMISOM ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho.

Dhanka dowlada waxaa metalayay Lataliyaha amaanka ee Madaxwaynaha, Cabdi Saciid iyo Taliyaha ciidamada xooga, Jenaraal Indhaqarsh.

AMISOM waxaa shirka ku metalayay madaxa howlgalka ahna wakiilka midowga Afrika, Francisco Madeira iyo taliyaha ciidamada nabad-illaalinta ah ee Christine Alalo.

Ujeedada kulanka ayaa wuxuu ahaa dar-dargelinta howlgalada ay wada fuliyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga wadanka.

Madaxa howlgalka AMISOM, Madiera oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa xusay in lagu jiro qorshaha ciidamada AMISOM ay ku wa dowladda ugu wareejin lahayd qaar mid ah saldhigyada ay ku leeyihiin Muqdisho oo qayb ka tahay xerada Jaale Siyaad

Mr Madiera ayaa intaasi ku daray in Somalia ay bishan soo socota ka baxayaan 1000 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.

Ugu dambeyntii, Wakiil ayaa xusay in loo baahanyahay in howlgalo wadajir ah ay qaadaan ciidamada AU-da iyo kuwa dowladda si kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaano badan oo ay gacanta ku hayaan.

The post DFS iyo AMISOM oo kawada hadlay xoojinta howlgalada appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this