Deeq A. Posted January 25, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay fal dil ah. Toogashada oo la sheegay inay ka dambeeyeen dabley ku hubeysan Bastooladu ayaa lagu beegsaday askar ka tirsan dowlada oo ku sugnaa suuq ku yaala bartamaha degmadaasi. Goobjoogayaal la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay inay arkeen labo labo askari iyo labo ruux kale oo shacab ah, kuwaasi oo ay dileen ragga hubeysan. Kooxihii falka khaarijinta ah ka dambeeyay ayaa lasoo wariyay inay durbadiiba meesha ay wax dhaceen isaga carareen. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, balse, dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca guud ahaan wadanka waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Maamulka degmada Afgooye ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed wali ma uusan ka hadlin arrintaan. The post Dabley hubeysan oo 4 qof ku toogatay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites