Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Mareykanka ee Africa oo qaatay go’aan ka dhan ah duqeymaha Soomaaliya & DF oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay joojin doonaan arin la xiriirta duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii ay bateen wararka is khilaafsan eee laga baahin jiray duqeymaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen inay warbixino ay warbaahinta la wadaagayaan kasoo saaraan duqeymaha ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay la beegsan jireen Al shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay in go’aankaasi la qaatay kadib kulan dhex maray saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Africa iyo kuwa Mareykanka, kadibna la go’aamiyay inaan laga hadal weerarada ay ka geystaan Soomaaliya.

Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay ka dambeysay kadib markii go’aan lagu gaaray in shaacinta khasaaraha weerarada ka dhasha loo daayo inay ka hadasho dowladda Soomaaliya.

Taasi ayaa ka dhigan in waxii hadda ka dambeeya khasaaraha ka dhasha weerarada Mareykanka ay ka hadli doonto dowladda Soomaaliya oo kaliya, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib markii marar badan dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay warar is qilaafsan ay kasoo saareen khasaaraha duqeymaha ka dhashay.

In dowladda Soomaaliya ay shaaciso Khasaaraha weeraradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhalankarta in ay xoogeysato Wada shaqeynta taliska iyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this