Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare “16 Mashruuc ayaan dooneynaa inaan fulino laakiin hal dhibaato ayaa naga hortaagan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay waxyaabaha u diidan deegaanada Hirshabeelle inay ka sameeyaan mashaariic kala duwan oo horumarineed.

Isaga oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in maamulkiisa uu doonayo in mashaariic badan ay ka hergeliyaan deegaanadaasi, laakiin ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah.

Wuxuu sheegay in 16 Mashruuc ay diyaar yihiin kuwaasi oo la doonayo in laga hergeliyo deegaanada Hirshabeelle, balse ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah oo aysan ka socon karin qaar kamid ah mashaariicdaasi.

Dhismaha garoon diyaaradeed oo Beledweyne ay yeelato iyo mashaariic kale ayuu sheegay in sanadkaan laga hergelin doono deegaanada Hirshabeelle, balse wuxuu ka walaacsan yahay amaanka.

“Waxaa jira mashaariic badan oo la doonayo in laga hergeliyo Hirshabeelle, balse qaarkood caqabado amaan ayay u socon la’ yihiin, Beledweyne Garoon diyaaradeed oo ay yeelato, waxbarasho wanaagsan iyo mashaariic kale ayaan sameyn doonaa sanadkaan”ayuu yiri Waare.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay joogsadeen mashaariicda dhismaha xarumo laga hergelinayay magaalada Jowhar, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen qaar kamid ah dadka shaqada waday.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this