Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe “Puntland waa meel mudan in wax badan loogaga daydo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimadda Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee taga magaalada Garowe isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa mahad celin u jeediyay madaxda maamulka Puntland, isaga oo sheegay in Puntland ay mudan tahay in meelo badan looga daydo.

Wuxuu sheegay in Puntland ay wanaagsan tahay in looga daydo hanaankii wanaagsanaa ee ay u dhacday doorashadii 8 Janaayo iyo sidii wanaagsaneyd ee ay madaxda xilalka u kala wareegeen.

“Madaxweyne waan kaaga mahadcelinayaa sidaad iisoo dhaweysay, Puntland waa meel mudan in wax badan looga daydo, waxaa mudan in looga daydo sidii ay halkaan wax uga dhaceen iyo sidii xilalka loo kala wareegay, waa inaan wax badan kaga dayanaa Puntland”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo dhaweeyay magaalada Garowe ayaa Axmed Madoobe kaga mahadceliyay sida uu u aqbalay casuumaadii uu u fidiyay, isaga oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee tagay Garowe.

Saciid Deni, ayaa sheegay in labada maamul ay wax badan ka wada shaqeyn doonaan, isaga oo cadeeyay in Jubbaland ay tahay maamul muddo dhisan, islamarkaana wax badan ay ka wada shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta tagay magaalada Garowe, isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweyne Deni.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this